Safarkii Quusta!
Waan ogahay in qofkasta dhimanayo sabab iyo Sabab la'aan intaba, balse geeridda walaalkii/Saaxiibkii aan jeclaa waxay igu abuurtay walaac qofeed oo iigaar ah.
Darajo kasta oo uu ka gaaray dhanka Ciidanka iyo si kasta oo uu u ahaa Taliye amarkiisa aan laga hor imaan anigu waxaan ahaa nin wax ka diida wax na ka yeella, xilliga xaalku adag yahay ee go'aan qaadasho loo baahan yahay. Waa macquul inaad is waydiiso Ciidan iyo Shibil ayaad kala tihiin ee maxaa idinka dhexeeyey oo shaqo ah?
Jawaab Fududse waxaa ah, inaan aheyn walaalo garta wada gooya shaqada Dowladda iyo tayda Saxaafadda marka laga soo gudbo. Haddii qof xirmo ama xeelad kale loo baahdana waan wada furdaamin jirnay. Shaqadiisa oo aheyd Farsamo iyo baahintayda waxay isku ahaayeen Sidig, Warku yuusan ila dheeraani aan soo rogmado markan.
Farxaan wanaaggiisii kuma soo koobi karo dhigaal , waxaan xasuustayda ka guureyn sida uu iiga gacan siin jiray markaan u baahdo fududeynta shaqo Ciidan, Abaalkeedana waan u hayaa geeridda kadib iyo kahorba.
Waligey Sawir lama galin oo kalsooni waxaa igu jirtay ah Adigaa ka hor dhiman doona oo isaguna baaqi ayuu ahaanayaa. Markuu yiraahdo Ma-sawir aan wada galno waxaan ku oran jiray si kaftan ah inaan kaa hormaro mooyee adigu iga hordhiman maysid, sababtuna waxay aheyd inaan ogaa siduu uga taxadarayey ammaankiisa iyo siduu u fahamsanaa hagardaamo kasta oo lala maagan yahay.
Maalintii uu dhintay illaa Caawa qof ahaan Cidlo ayaan dareemay, cimilo ahaan Xamar oo ah Kuleyl waqtigan anigu qabow Cabsi ku dheehan tahay ayaan dareemayey, waxaan garowsaday tiir dhexaad saaxiibkay 'Shahiid' Farxaan inuu ahaa deyr nagu gadaamnaa oo ilaalo adag noo ahaa dhammaanteen.
Qorshahayga ma aheyn inaan ka tago Xamar, maantase waxaan safray anigoo Cabsi aan dhimashada aheyn dareemaya. Waxaan xaqiiqsaday ninkii la iiga dacwoon jiray ee markii dhankayga ay joogtana aan dhihi jiray waad qaldan tahay iyo saxan tahay inuusan dunidan ku soo laabaneyn.
Xamar waligey sidaas ugama quusan, Farxaan Xamar oo uu ku dhashay mar baan isla noqonay Reer Hobyo oo ah Magaaladdii aan ku dhashay, intii waddanku qasnaa oo Xamar ay wada joogeen dowladda iyo AS waxaan wada dagganeyn Degmadda Warta Nabadda.
Markuu firaaqo helo wuxuu iiga sheekeyn jiray Hobyo iyo dadkii aanu wada dagganeyn oo magacyaddooda ka xasuusto sida, Fareey Jiiroow, Cilmi Cawaale iyo qaar kaloo badan oo Hobyo aan wada dagganeyn.
Sheekaalowgii daacadda ahaa, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole, Geeriddiisu waxay sabab u noqotay inaan walwal kula noolaado Muqdisho oo aan dagganaa iyadoo sida maanta ay tahay kasii Qatar Amni badan.
Ilaahey hakuu naxariisto walaalkeeyow, Janadda inaan ku kullano ayaan nooga wada rajaynayaa alle weyn.
Safarkii Quusta!
Sorry
ReplyDelete