Monday, January 9, 2023

Faham la’aanta dowladnimada iyo aqoon yarida sharciga!.

Afar maalin ka hor, Khamiistii ayaa qoraal lagu soo daabacay bogga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in golaha wasiiradu ansixiyeen Heshiisyo ay galayaan dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaas oo ku saabsanaa waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Sida sharciga ah, heshiisyada ay dowladda Somalia la galeyso dowladaha shisheeye waxaa qasab ah in loo gudbiyo Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan, una noqdo mid sharci ah.

Heshiisyadaas oo la sugaayay in la mariyo Baarlamaanka ayuu ra'iisul wasaare Xamze aaday Masar, maantana waxaa bogga rasmiga ah ee OPM lagu daabacay in ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiisyo, taas oo ah mid baalmarsan sharciga.

Su'aalaha ku gaddaaman heshiiyadaan ayaa ah "Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya heshiisyadaan maanta ay kala saxiixdeen Masar iyo Soomaaliya iyo kuwii la sheegay in lagu ansiixyay shirkii golaha wasiirrada ay horay u wada gareen Soomaaliya iyo Masar"?.

Sidee heshiis aan Baarlamaanka marin oo golaha wasiirrada kaliya ansixiyeen loola gali karaa dowlad kale, muxuusa yahay danaha gaar ah ee ku jira heshiisyadaan sida deg degga ah qalinka loogu duugay?.

Khubarada sharci yaqaanka ah ee isha ku haya heshiisyadan, sida dhowna ula socdo ayaa qaba in ay noqon karaan kuwo halis ku ah Qarankan hadda kasoo kabanaya burburka, una muuqdaan heshiisyo looga faa'ideysanaayo danaha Somalia ka leedahay Masar iyo kuwo gaar ah intaba, iyagoona sheegay in ay tahay go'aan aan laga fiirsan, loona baahanyahay in ay soo faragaliyaan Baarlamaanka.

Cali Aadan Muumin

Friday, January 6, 2023

Safarkii Quusta!

 

Safarkii Quusta!
Waan ogahay in qofkasta dhimanayo sabab iyo Sabab la'aan intaba, balse geeridda walaalkii/Saaxiibkii aan jeclaa waxay igu abuurtay walaac qofeed oo iigaar ah.

Darajo kasta oo uu ka gaaray dhanka Ciidanka iyo si kasta oo uu u ahaa Taliye amarkiisa aan laga hor imaan anigu waxaan ahaa nin wax ka diida wax na ka yeella, xilliga xaalku adag yahay ee go'aan qaadasho loo baahan yahay. Waa macquul inaad is waydiiso Ciidan iyo Shibil ayaad kala tihiin ee maxaa idinka dhexeeyey oo shaqo ah?

Jawaab Fududse waxaa ah, inaan aheyn walaalo garta wada gooya shaqada Dowladda iyo tayda Saxaafadda marka laga soo gudbo. Haddii qof xirmo ama xeelad kale loo baahdana waan wada furdaamin jirnay. Shaqadiisa oo aheyd Farsamo iyo baahintayda waxay isku ahaayeen Sidig, Warku yuusan ila dheeraani aan soo rogmado markan.

Farxaan wanaaggiisii kuma soo koobi karo dhigaal , waxaan xasuustayda ka guureyn sida uu iiga gacan siin jiray markaan u baahdo fududeynta shaqo Ciidan, Abaalkeedana waan u hayaa geeridda kadib iyo kahorba.

Waligey Sawir lama galin oo kalsooni waxaa igu jirtay ah Adigaa ka hor dhiman doona oo isaguna baaqi ayuu ahaanayaa. Markuu yiraahdo Ma-sawir aan wada galno waxaan ku oran jiray si kaftan ah inaan kaa hormaro mooyee adigu iga hordhiman maysid, sababtuna waxay aheyd inaan ogaa siduu uga taxadarayey ammaankiisa iyo siduu u fahamsanaa hagardaamo kasta oo lala maagan yahay.

Maalintii uu dhintay illaa Caawa qof ahaan Cidlo ayaan dareemay, cimilo ahaan Xamar oo ah Kuleyl waqtigan anigu qabow Cabsi ku dheehan tahay ayaan dareemayey, waxaan garowsaday tiir dhexaad saaxiibkay 'Shahiid' Farxaan inuu ahaa deyr nagu gadaamnaa oo ilaalo adag noo ahaa dhammaanteen.

Qorshahayga ma aheyn inaan ka tago Xamar, maantase waxaan safray anigoo Cabsi aan dhimashada aheyn dareemaya. Waxaan xaqiiqsaday ninkii la iiga dacwoon jiray ee markii dhankayga ay joogtana aan dhihi jiray waad qaldan tahay iyo saxan tahay inuusan dunidan ku soo laabaneyn.

Xamar waligey sidaas ugama quusan, Farxaan Xamar oo uu ku dhashay mar baan isla noqonay Reer Hobyo oo ah Magaaladdii aan ku dhashay, intii waddanku qasnaa oo Xamar ay wada joogeen dowladda iyo AS waxaan wada dagganeyn Degmadda Warta Nabadda.

Markuu firaaqo helo wuxuu iiga sheekeyn jiray Hobyo iyo dadkii aanu wada dagganeyn oo magacyaddooda ka xasuusto sida, Fareey Jiiroow, Cilmi Cawaale iyo qaar kaloo badan oo Hobyo aan wada dagganeyn.

Sheekaalowgii daacadda ahaa, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole, Geeriddiisu waxay sabab u noqotay inaan walwal kula noolaado Muqdisho oo aan dagganaa iyadoo sida maanta ay tahay kasii Qatar Amni badan.



Ilaahey hakuu naxariisto walaalkeeyow, Janadda inaan ku kullano ayaan nooga wada rajaynayaa alle weyn.
Safarkii Quusta!

Cali Aadan Muumin

MAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab.


Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.


Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.


Cali Aadan Muumin


Faham la’aanta dowladnimada iyo aqoon yarida sharciga!.

Afar maalin ka hor, Khamiistii ayaa qoraal lagu soo daabacay bogga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in golaha wasiiradu ansixiyeen H...